882 Views

Maleeshiyadka Ahlusunna o iskaga baxay Duleedka Guriceel kadib 2 saac la siiyay in dhaawacooda ku qaataan.

Maleeshiyadka Ahlusunna o iskaga baxay Duleedka Guriceel kadib 2 saac la siiyay in dhaawacooda ku qaataan.
____________________________________________________________________________

Axadi: October 24, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in xabad joojin lagu dhawaaqay si dhaawacyada iyo maydka looga qaado magaalada Guriceel.

Maleeshiyaadka Ahlusuna ayaa ka baxay magaalada Geeskeeda oo ay Raxsaas ka soo Ridayeen, waxaana la sheegay in ay qaateen dhaawacyadii iyo Maydadkii magaalada saakay ka dhacay.

Sidoo kale 2 saac ayaa la siiyay in ay magaalada uga baxaan Wixii ka yaalay ay qaataan, waxaana la sheegay in dhinaca Waqooyi ee magaalada Guriceel ka baxeen .

Arintaan ayaa timid kadib Markii uu soo dhex galay Jeneraal cabdi Qeybdiid oo dalbaday in la siiyo waqti ay uga baxaan magaalada, balse waxay wararku sheegayaan in uu arintaas ka soo hor jeedsaday Jeneraal Odowaa Taliyaha Ciidamada Xooga dalka oo sheegay in Ahlusunna ay 2 yeesho in Hubka ay soo Wareejiyaan oo loo Taliyo iyo in ay dagaalka wadaan oo la soo af jaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post