774 Views

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Cumar Filish & Safiirka Qatar?

Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Cumar Filish & Safiirka Qatar?
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 10, 2021 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza Assad,

War kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in Ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku lee dahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladdahabtaageera siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay saaxiibo dhow la tahay Madaxda Villa Soomaaliya.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post