777 Views

Boqoradda heesaha aflaamta Hindiga oo cisbitaal la dhigay

Boqoradda heesaha aflaamta Hindiga oo cisbitaal la dhigay
____________________________________________________________________________

Sabti January 29, 2022

Waxaa cisbitaal ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya lagu dabiibayaa Lata Mangeshkar oo caan ku ah heesaha aflaamta Bollywood.

Wakaaladda wararka ee ANI ayaa sheegtay in Lata Mangeshkar oo muddo 21 cisho ah ku jirtay cisbitaalka Breach Candy uu hadda soo hagaagayo caafimaadkeeda.

Waxaa ku dhacay xanuunka Korona iyadoo la geliyay qolka bukaannada ay xaaladdoodu liidato.

Lata Mangeshkar, oo lagu tilmaamo inay tahay fannaanada ugu caansan Hindiya ayaa waxa ay fanka ku soo biirtay 1942 iyadoo xilligaa jirtay 13 sano.

Luuqada Hindiga oo keliya waxa ay ku qaaday in ka badan sodon ku oo hees.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post