1224 Views

Dagaal u dhaxeeyo beelo wada dego gobolada nugaal iyo sool oo ka dhacay degaanka saaxmaygaag

Dagaal u dhaxeeyo beelo wada dego gobolada nugaal iyo sool oo ka dhacay degaanka saaxmaygaag
____________________________________________________________________________


Axad: January 2, 2022

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyo beelo kala dega gobolada Sool iyo Nugaal ayaa markale saaka ka qarxay degaanka saaxmaygaag ee gobolka Sool.

Dagaalka u dhaxeeyo beelaha waalaaha ayaa salka ku hayo dhul ay isku heeystaan waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku dhintay labo ruux, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawac meen dagaalka.

Ciidaan beeleedyo tirobadan ayaa sidoo kale isku urursanayay degaankaas mudooyinkii udanbeyey waxaana saka dagaal culus oo ay isku adeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan uu dhexmaray beelaha walaalaha ah.

Wali kama aysan hadlin dagaalka u daxeeyo beelaha walaalaha ah laamaha amaanka gobolka gobolka nugaal waxaase dadka degaanka ahi shegeen in ay wali is hor fadhiyaan labadii ciidan ee dagaalamay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post