1428 Views

Dhageyso:- Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay war ka soo baxay Kenya

Dhageyso:- Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay war ka soo baxay Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 – Booliska Kenya ayaa dhawaan shaaciyay in Saddex ka mid ah hubkii ay wateen Ragii weeraray Hotelka Dusit D2 Ee Nairobi ay lahaayeen ciidanka Soomaaliya,hayeeshee Madaxtooyada Soomaaliya ay beenisay.

La-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ayaa sheegay in dowladda Kenya uu xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo,isla markaana warkaasi uu yahay mid aan sax aheyn.

Waxa uu sheegay in laamaha Amniga Kenya ay u sheegeen in qofka wareysiga bixiyay ee sheegay in hubkaasi ay lahaayeen ciidanka Soomaaliya uu sheegayay  war ah in oo maleynayo war sax ahna uusan aheyn.

La-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaga oo sii hadlayay waxa uu sheegay in dadka weerarka geystay ay ahaayeen Kenyan,isla markaana hubka meel kasto ay ka heli karan,isla markaana Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano ka mid ah dalkaasi Kenya.

.
.
.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment