924 Views

Guddiga KMG ah ee Sharciga doorashooyinka oo kulan deg deg ah u socdo

Guddiga KMG ah ee Sharciga doorashooyinka oo kulan deg deg ah u socdo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 19 -2020—Waxaa Maanta oo Axad ah Guddiga ku-meel gaarka ah ee ka Baaraandeggidda Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Kulankooda 4aad uga socdaa Xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Xubnaha guddiga KMG ah  ee doorashooyinka Qaranka ayaa dib u eegis ku sameynaya sharciga doorashooyinka oo ay horey u soo ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xubnaha Aqalka Sare ayaa akhrintii koobaad marsiiyey Sharciga doorashooyinka Qaranka,waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay horey wax ka bedel ugu sameeyeen Sharcigaas.

Haatan waxaa weli Xarunta Aqalka Sare ka socda kulanka Guddiga ku-meel gaarka ah ee ka Baaraandeggidda Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Kulankooda 4aad ku yeesheen Xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment