1032 Views

Sudaan oo sheegtay in ay maxkamadda ICC ku wareejin doonto saraakiil loo haysto dambiyo dagaal

Sudaan oo sheegtay in ay maxkamadda ICC ku wareejin doonto saraakiil loo haysto dambiyo dagaal
____________________________________________________________________________

Axad: June 27 2021

Dowladda Sudaan ayaa sheegtay in ay maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku wareejin doonto saraakiil hore oo loo haysto dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur ee galbeedka Sudan.

Ilaa iyo hada, Sudan ma aysan magacaabin shaqsiyaadka lagu wareejinayo maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Dowladda Sudan ayaa horey u balan qaaday inay soo dhiibi doonaan Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir oo xukunka hayey intii ay socdeen isku dhacyada Darfur , balse wali taasi ma aysan dhicin.

Ugu yaraan 300,000 oo qof ayaa lagu dilay iskahorimaadka u dhexeeya mucaaradka iyo ciidamada dowladda oo billowday 2003.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post