777 Views

Weerar ay fulisay Haweeney oo ka dhacay Switzerland

Weerar ay fulisay Haweeney oo ka dhacay Switzerland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2020 –Booliska ayaa sheegay in Haweenay 28 jir ah oo u dhalatay Switzerland balse Saygeeda (Ninkeeda) ka soo jeeda Dalka Ciraaq ay weerarka ku dhaawacday 2 Haween oo ka dukaameysanayay Dukaanka Manor ee Magaalada Lugaano.

Haweeneydaan ayaa la sheegay in ay ka tirsan tahay Ururka IS (Islamic State) waxeyn weerarka u adeegsatay Mindi ama Toorey.

Booliska ayaana Haweeneydan Weerarka geysatay gacanta ku dhigay, waxaana la sheegay in sanadkii 2017-dii Ciidanka ay Baaris ku sameeyeen markii looga shakiyay in ay ka tirsan tahay Kooxaha Jihaadiyiinta

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post