858 Views

Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada oo Goordhaw Isbitaalka Martiini ku geeriyooday

Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada oo Goordhaw Isbitaalka Martiini ku geeriyooday
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Waxaa goordhaw Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee doorashada heer Federaal C/llaahi Abyan Nuur oo maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanaa.

Wararka ayaa sheegaya in  C/llaahi Abyan Nuur u geeriyooday xanuunka Caronavirus oo laga helay, waxaa sidoo kale la sheegay Gudoomiyaha in uu qabay xanuuno kale.

Ilaah ha u naxariistii C/llaahi Abyan Nuur ayaa hada ahaa Gudoomiyaha guddiga xalinta Khilaafadaka Doorashada heer federaal , waxa uu sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Madax katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee doorashada heer Federaal C/llaahi Abyan oo caawa Muqdisho ku geeriyooday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post