3195 Views

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 18da Maarso, 2021
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta la kulmay safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xiriirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Galmudug.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro dhameystirka arimaha doorashooyinka.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho iyadoo ay ka socdaan caasimada dalka kulamo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post