555 Views

Mareykanka oo shaaciyay inay billaabmayaan wadahadallada colaadda Itoobiya

Mareykanka oo shaaciyay inay billaabmayaan wadahadallada colaadda Itoobiya
____________________________________________________________________________

sabti: JULY 30, 2022

Mareykanka ayaa sheegay inay billaabmayaan wadahadallo nabadeed o dhexmaraya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo XooggagaTPLF oo muddooyinkii u dambeeyey ku dagaallamayey waqooyiga dalka Itoobiya.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay wadahadallada nabadeed oo dhexmarayo labada dhinac iney billaabmayaan doorashada Kenya kaddib.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay Moli Fi oo ka mid ah saraakiisha sare oo Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika waxay sheegtay dowladda Kenya oo door muhiim ah ku leh xal u helidda colaadda waqooyiga Itoobiya ka taagan horraanta bisha August waxay martigeineysaa wadaxaajoodyadii ugu horreeyey oo labada dhinac dhex mara.

Dalka Kenya oo iisu diyaarinayo doorashada guud oo 9-ka bisha August ka dhaceyso wuxuu ka mid ahaa dalalka dadaalka xooggan ugu jiray dhexdhexaadinta labada dhinac uu dagaalka dhiigga badan ku daatay ku dhexmaray waqooyiga dalka Itoobiya.

Mareykanka, Midowga Africa iyo Kenya waxay wadeen dadaallo isbarkan ay ku doonayeen iney ku joojiyaan dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka qarxay ku dhawaad 20 bilood ka hor.

Labada dhinac ee ay colaadda u dhaxeeysa waxay horay u sheegeen iney doonayan iney wadahadallo ay dagaalka ku soo afjarayaan iney yeeshaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post