717 Views

Dood ka dhalatay hadal uu ka sheegay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha

Dood ka dhalatay hadal uu ka sheegay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November11, 2020 –Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa diiday guddiga doorashooyinka ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ay sidoo kale si cad uga soo horjeesteen xubnaha dowlad goboleedyada qaarkood ay ku dhawaaqeen ee guddiga doorashooyinka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka jawaabay eedeynta Musharaxiinta , waxaana uu sheegay in uu la yaabay eedeynta ay u soo jeediyeen Musharaxiinta.

Mahdi Guuleed ayaa difaacay qaabka lagu soo xulay guddiga doorashada ee gobolada waqooyi kuraastooda maamuli doona.

“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.

Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin”


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post