870 Views

Sheekh Shariif “ Jimcaha ayaan Banaanbaxaynaa ee qofkii Diidi karta Bal ha diido..

Sheekh Shariif “ Jimcaha ayaan Banaanbaxaynaa ee qofkii Diidi karta Bal ha diido..
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

Musharixiinta ayaa mar kale ku dhawaaqay Banaanbax ka dhan ah, Dowlada Waqtigeeda dhamaaday ee uu Hogaamin jiray Farmaajo.

Guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed  ayaa saxaafada u sheegay maanta in ay banaanbax qabanayaan.

Ugu horeyn Sheekh Shariif ayaa mar kale shaaciyey in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay qabanayaan banaanbax kale oo ka dhici doona isla goobtii loo diiday ee fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon.

“ waxaan Qaban qaabinaynaa Bananabax Fure u ah Doorasho Xor ah oo xalaal ah in ay dalka ka dhacdi sida ugu dhaqsiyaha Badan. Jimcaha ayaa Noo balan ah”ayuu sii raaciyay shekh shariif oo Saxaafada la hadlay.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay wakiil uga yihiin banaanbaxyada ay abaabulayaan iyo dadaalka ay ugu jiraan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post