1161 Views

Kulan goor dhawayd u bilawday Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo musharixiinta

Kulan goor dhawayd u bilawday Ra’iisul Wasaare  Rooble Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo musharixiinta
____________________________________________________________________________

April 28-2021

Waxa goor dhawayd bacdul afur u bilaawday kulan albaabada u xiran, Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyneyaasha maamulada Galmudug, Hirshabeelle waxaana kulanka ku Wehliyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaan uu yahay mid deg deg ah saxaafada aan loo ogoleen oo ay dibad jog ka tahay.

Sidoo kale Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda Siyaasadda dalka gaar ahaan khilaafka ka jira doorashooyinka dalka iyo sidii looga hortagi lahaa in dalka uu galo khalkhal amni, islamarkaana heshiis rasmi ah looga gaari lahaa muranka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.


R/wasaare Rooble ayaa wada dadaalo ku aadan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada isku haya siyaasada dalka, islamarkaana ay dalka u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post