645 Views

Madaxweyne Deni oo ka hadlay dagaalkii Boosaaso

Madaxweyne Deni oo ka hadlay dagaalkii Boosaaso
____________________________________________________________________________


Sabti: December 25, 2021

 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo caawa la hadlayay warbaahinta Puntland ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada, amniga Puntland xilli dagaal xooggan oo khasaaro geystay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta ay ka dhaceen magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni, ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeelladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, isagoona faray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mar kale xabbad ridin.

”Dowladda dadkeeda dagaal kama waddo, diyaarna uma aha in bulshada dhexdeeda ay xabbad ka riddo, ciidanka dowladda waxay u dhisan yihiin in ay ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka dadka reer Puntland,”ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay isdejiyaan, dowladdana ay ku dedaaleyso in nabad wax lagu soo dhammeeyo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay  la hadlayay warbaahinta Puntland ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada, amniga Puntland xilli dagaal xooggan oo khasaaro geystay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta ay ka dhaceen magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni, ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeelladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, isagoona faray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mar kale xabbad ridin.

”Dowladda dadkeeda dagaal kama waddo, diyaarna uma aha in bulshada dhexdeeda ay xabbad ka riddo, ciidanka dowladda waxay u dhisan yihiin in ay ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka dadka reer Puntland,”ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay isdejiyaan, dowladdana ay ku dedaaleyso in nabad wax lagu soo dhammeeyo.

Hadalkan madaxweynaha ayaa ka dambeeyay, kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta ka socday halkaas, inkasta oo hadda la kala qaboojiyay ciidamadii ku dagaalamayay halkaas.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bisha November soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro, taas oo keentay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn bulshada la wadaagay in Dowladda Puntland ay u taagan tahay kala danbeynta, sarreynta sharciga iyo awoodda dastuuriga ah ee lagu heshiiyay, sidaasi oo ay tahayna ay Puntland diyaar u tahay soona dhoweysay dadaalka nabadeed ee isimada iyo waxgaradka Puntland ay bilaabeen, iyadoo dowladdu siinayso nabadeyntaasi fursad fiican .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post