810 Views

Xil kaqaadis lagu sameeyay Agaasimihii Guud Ee Telefishinka Qaranka Tunisia

Xil kaqaadis lagu sameeyay Agaasimihii Guud Ee Telefishinka Qaranka Tunisia
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Madaxtooyada dalkaasi waxay ku dhawaaqday in Xilkii laga qaaday Madixii Telefishinka dalkasi, Maxamed Lasacad Al-Daahish.

Xil-ka-qaadista ayaa timid, kadib, markii 2 qof oo Marti u ahaaa Telefishinkaasi shalay loo diiday inay gudaha u galaan Istuudiyayasha si ay qeyb uga qaataan Barnaamij lagu marti-qaaday.

Labada qof ee loo diiday inay galaan Xarunta TV-ga ayaa kala ahaa Amiira Maxamed oo ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee dalkaasi ee SNJT iyo Basaam Tirifi oo ah U-ololeeye dhanka Xuquuqda Aadanaha.

Amarka dadkaasi looga xayiray inay galaan Xarunta Telefishinka Qaranka Tunisia ayaa la sheegay inuu bixiyey Sarkaal ka tirsan Milliteriga ilaalada ka haya Xaruntaasi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post