990 Views

Qaxootiyada Dhadhaab iyo Kakuma oo dareemayo Cabso ku aadan in Xoog looga Raro halkaas.

Qaxootiyada Dhadhaab iyo Kakuma oo dareemayo Cabso ku aadan in Xoog looga Raro halkaas.
____________________________________________________________________________

April 06, 2021

Argagax, naxdin, diidmo dadnimo – kuwani waa qaar ka mid ah ereyada ay adeegsadeen dadka deggan labada xero-qoxooti ee ugu waaweyn Kenya si ay u sharxaan cabsida iyo niyad-jabka ay ka qabaan wararka sheegaya in dowladda ay isku dayeyso in Xeryahaas si deg deg ah loo xiro.

24-kii Maarso, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Fred Matiang’i wuxuu caddeeyay in hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ay heysato laba toddobaad inay la timaado qorshe lagu xirayo xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 410,000 qof oo ka soo kala qaxay dalal ay ka mid yihiin Soomaali, Suudaan Koofureed, Itoobiyaan, Tansaaniya, Ugaandhiyaan iyo Burundi.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa ka digay, inay ku qasbi doonaan qaxootiga inay u safraan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya. Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayay wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya waxa ay ugu yeertay “aakhirkii” waxayna sheegtay in aysan jirin meel lagu sii wada xaajood

Iyada oo ka jawaabeysa ku dhawaaqista Kenya, UNHCR waxay sheegtay in ay ku mahadsan tahay deeqsinimada dowladda Kenya ee martigalisay qaxooti aad u fara badan mudada dheer (Dhadhaab waxaa la aasaasay 30 sano ka hor), laakiin “waxay ka walaacsan tahay saameynta go’aanka uu ku yeelan doono ilaalinta Qaxootiga ku sugan Kenya, iyadoo xilligan lagu jiro waqti uu saameyn ku leeyahay caalmka cudurka faafa ee COVID-19 ”.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay inay sii wadayso wadahadalka ay la leedahay mas’uuliyiinta Kenya ka hor inta aan la gaarin 6-da bisha Abriil waxayna ku boorisay dowladda inay “hubiso in go’aan walba uu ogolaanayo in la helo xalal ku habboon oo waara oo la helo iyo in kuwa sii wadaya u baahan badbaadin ay awoodaan inay helaan” .

Dowladda Kenya ayaa horay isku dayday inay xirto Dhadhaab sanadkii 2016, kadib markii warbixinno sirdoon ay u muuqdeen inay muujinayaan in weeraradii 2013 iyo 2015 ee bartilmaameedyada Kenya ay xiriir la leeyihiin xeryaha. Xiritaanka waxaa xayiray maxkamadda sare ee Kenya.

“Waxaan dareemay jahwareer markii aan maqlay in dowladda Kenya ay ku hanjabeyso inay xiri doonto labada xero, ayay tiri Hibo Maxamed, oo ah 24-jir ka timid Soomaaliya oo ku nool Kakuma 10 sano.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post