228 Views

Carruur magacooda kari waayay ka dib markii laga soo badbaadiyay dhul-gariirka Turkiga

Carruur magacooda kari waayay ka dib markii laga soo badbaadiyay dhul-gariirka Turkiga
____________________________________________________________________________

Sabti: February 11, 2023 

Caruurta ku dhaawacantay dhul gariirka ee ku jira Isbitaalka Magaalada Adana ayaa ah kuwo aad u da’yar, lamana oga khasaaraha soo gaaray inta uu la’egyahay.

Waxaan arkeynay dhakhaatiir qaybta daryeelka degdega ah dhalo ku quudinaysa gabadh lix bilood jir ah oo dhaawacan isla markaana aan waalidkeeda meelna lagu ogeyn.

Waxa jira boqollaal kiis oo kale oo carruur aan la aqoonsan ah waalidkooduna dhintay ama weli la weysanyahay.

Dhul-gariirku wuxuu burburiyay guryahoodii taasoo sababtay in aan weli laga helin wax aqoonsiyo ah waxaana muuqata in hadda magacyadooda aan la garan Karin.

Dr Nursah Keskin ayaa gacanta ku qabatay gabadha yar oo ku jirta qaybta daryeelka degdega ah waxaa loo yaqaan oo kaliya sumadda sariirteeda saran oo dhaqaatiirtu ay isku fahmaan.

Waxaa ka muuqda dhaawacyo iyo wejigeeda oo si xun nabarro u gaareen balse wey dhoolla caddeynaysay.

“Waan ognahay halka laga helay iyo sida ay halkaan ku timid. Laakiin waxaan isku dayeynaa inaan helno ciwaan, baadigoobku wuu sii socdaa,” ayuu yiri Dr Keskin, oo ah dhakhtarka carruurta iyo agaasime ku xigeenka isbitaalka.

Waxa aanu la kulanay gabadh ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay tahay shan ama lix jir. Way huruddaa oo waxa ku xiran faleenbooyin . Shaqaaluhu waxay sheegeen inay gaartay jug madaxa ah iyo jajabyo badan. Waxaan waydiiyaa inay awood u yeelatay inay magaceeda u sheegto. “maya madaxa kaliya ayey luleysaa” ayuu yiri Dr Ilknur Banlicesur, oo ah dhakhtar qalliin carruurta ah.

Saraakiisha caafimaadka Turkiga ayaa sheegay in guud ahaan aagga masiibada ka dhacday ay hadda ku dhaawacmeen in ka badan 260 carruur ah oo ay garan waayeen.

Tiradaas ayaa laga yaabaa inay si weyn kor ugu kacdo marka meelo badan la gaaro oo baaxadda hoy la’aanta ay si buuxda u soo baxdo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post