249 Views

Ruushka oo gantaallo hor leh ku garaacay Ukraine

Ruushka oo gantaallo hor leh ku garaacay Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 11, 2022



Ruushka ayaa gantaallo hor leh ku garaacay dalka Ukraine, wuxuu la beegsaday deegaanno dhaca magaalada galbeedka ku taalla ee Lviv iyo sidoo kale magaalada dhacda koonfur bari ee Zaporizhzhia.

Duqa magaalada Lviv, Andriy Sadovyi ayaa sheegay in afar kamid ah xarumaha korontada ee ku yaalla gobolka ay burburiyeen gantaallada.

Wuxuu BBC-da u sheegay inta badan magaalada ay koronto la’aan tahay.

Isniintii ayay aheyd markii Ruushka uu duqeymo dhowr ah ku qaaday magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.

Zaporizhzhia waxaa ku dhacay gantaalkii 12-aad.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada ridada dheer lala eegtay goobo ay bartilmaameedsanayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post