900 Views

Madaxweynaha Kenya oo AFRICOM kala hadlay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo AFRICOM kala hadlay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2020 –Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa  Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi kula kulmay Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano  (AFRICOM) iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Madaxtooyada Kenya ayaa shaacisay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga militari ee ka dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka, waxaana  Janeraal Townsend kulanka ku wehliyay Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya  Janeraal Robert Kibochi iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya Kyle McCarter.

Sidoo kale wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayan in labada dhinac ay ka wada hadleen howlgallada Mareykanka uu ka wado Soomaaliya, sida duqeymaha uu la beegsado Xarumaha Al-Shabaab maadaama dowladda Kenya ay Soomaaliya ka joogan Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM, iyaga oo dagal kula jira Al-Shabaab.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa todobaadyo kadib markii Mareykanka uu shaaciyay in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, isla markaana ay u wareejin doonaan dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Mareykaka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 700 oo Askari, kuwaas oo Ciidamada dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, sidoo kalena ay duqeymo la beegsadaan Saldhigyada & Saraakiisha Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post