165 Views

18 qof ayaa oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar uu Ruushka ku qaaday xarun laga dukaameysto oo ku taal Kremenchuck.

18 qof ayaa oo  la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar uu Ruushka ku qaaday xarun laga dukaameysto oo ku taal Kremenchuck.
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Ugu yaraan 18 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar uu Ruushka ku qaaday xarun laga dukaameysto oo ku taal Kremenchuck.

Hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa aad u cambaareeyay weerarkan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo kamid ah hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa kamid ah dadka cambaareeyay gantaalada Ruushka uu ku weeraray xarunta laga dukaameysto ee ku taal bartamaha Ukraine, isagoo ku tilmaamay mid fool xun.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Macron ku sheegay in dadka Ruushku ay waajib ku tahay in ay “runta arkaan”.

Inta badan shacabka ruushka telefishinku ayaa ah isha ugu weyn ee ay wararka ka helaan, kaas oo ay si adag u maamusho Kremlin-ka oo soo saara dacaayad dagaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post