981 Views

Kenya oo xal raadinaysa afduubka ku soo badanaya

Kenya oo xal raadinaysa afduubka ku soo badanaya
____________________________________________________________________________

Booliska dalka Kenya ayaa sameeyay koox gaar ah oo baaraya kiisaska afduubka la xiriira oo ay sheegeen inay qatar ku yihiin amniga dalka.
Kulan ay yeesheen saraakiisha sarsare ee booliska ayaa lagu sheegay in dhacdooyinka afduubka ay ka mid yihiin arrimaha halista ugu weyn ku ah amniga ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa sheegay in kooxda la siiyay adeegyo gaar ah oo ay ku howl galaan kuna xaliyaan dhibaatadan.
Si kastaba ha noqotee wuxuu ka hadlay baaxadda ay dhibaatada leedahay isagoo ku tilmaamay arrin aan sidaas u sii weynayn.
“Waxaan ku heshiinay in aan geyn doono ilo khaas ah oo arintaan wax ka qabto. Waa arrin aan sidaas u weynayn, maadaama ay boolisku ku talaabsadeen horumaro ballaaran oo ay ku baadi goobayaan kooxaha ka dambeeya arintaan, ”ayuu yiri Matiang’i.
Dhacdoooyinka la xiriira afduubka ayaa sidoo kale saamayn u gaystay bulshada Soomaalida ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi kaddib markii dhowaan xaafaadda Islii laga afduubtay tiro gabdho ah.
Cabsi iyo welwel ayaa lasoo deristay Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya,iyada oo dhacdooyinkan muddo todobaadyo ah aad looga hadal hayay baraha bulshada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post