1122 Views

Al-shabaab oo saakay Weerar kula waabariistaydegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellad dhexe.

Al-shabaab oo saakay Weerar kula waabariistaydegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellad dhexe.
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellad dhexeAyaa sheegaya in Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay saakay   weerar ku qaadeen  askar ku sugan bar-kantarool oo ku taal degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellad dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaallamayaasha Al-shabaab ay  saacado kooban kantaroolkaas la wareegeen waxaana ay goobta ku dileen laba askari oo ilaalo ka ahaa kantaroolka degaanka Buurane.

Sidoo kale Kooxda ayaa markii dambe iskood uga baxay barta kantarool kadib saacado ay gacanta ku hayeen sida laga soo xigtay Goob-joogayaal ku sugan degaanka.

Dagaallamayaaasha Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay degmada Mahadaay iyo degaannada hoosyimaada .

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post