921 Views

Shantan cunno waxay halis ku yihiin caafimaadkaaga

Shantan cunno waxay halis ku yihiin caafimaadkaaga
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Waxa laga yaabaa in ay u muuqato in aanay waxba ka jabnayn in la cuno qaar ka mid ah cuntooyinka.

Laakiin, waxaa jira in cunooyiinka qaar ay kuu horseedi karaan dhibaatooyin caafimaad oo badan.

Mararka qaarkood cunista xad-dhaafka ah waxay khatar gelin kartaa noloshaada waxayna horseedi kartaa dhimasho.

Waa inaad aad uga taxadarto, gaar ahaan marka ay timaaddo cunista shantan nooc ee cuntooyinka soo socda.Magaalo Japan ku taala oo digtooni laga galay kalluun

Digirta cas

Digirta ayaa guud ahaan la sheegay inay yihiin cunto caafimaad leh. digirta cas waxaa ku badan borotiin, fiber, fiitamiino iyo macdanno badan oo kale.

Balse waxaa jirta halis ah in ay cudur keeni karto ama dhibaato caafimaad haddii aad cunto adiga oo aan si fiican u bisleyn ama u karin.

Waqooyiga Hindiya, ayaa si aad ah looga isticmalaa digirta noocan ah , waxaana ku jira walax dufan ah oo loo yaqaan phytohemaglutinin.

Saliiddu ku jirta ayaa waxaa aad u adag in ay milanto.

Haddii aad digirtan cunto iyada oo aan aad loo karin waxaa dhici kara in calooshu ku xanuunto iyo inaad matagto.

Digirta cas, waxa ku jira sun dabiici ah oo loo yaqaano (ensaymes trypsin).

Waxay suntaasi ka hortagaysaa in si wanaagsan loo dheefshiido marka ay caloosha gaarto.

Marka aan soo koobno digirtan ayaa ka hor inta aan la karin waxaa wanaagsan in biyo lagu qooyo oo lala dhigo ilaa 12 saacadood.

2. Cuntada loo yaqaano Ku ng

Cuntada noocaan ah waxaa inta badan laga helaa dalka Indonesia.

Cuntada dad badan cuna waxaana lagu daraa waxyaabo kala duwan si ay dhadhan u yeelato.

Cunada Ku ng marka la hagajinayo waxaa logu daraa cuntooyinka ay ka midka yihiin baradhada, hilibka, suugada, khudaarta iyo waliba marka la diyaarinta cabitaano badan.

Haddii aad cunadan iska badiso waxaa ka dhalan karta waxyeelo.

Waxay keeni kartaa lallabbo, xanuun, dhibaatooyin xagga neefsashada ah, suuxdin iyo sidoo kale xanuunnada maskaxda.

Hasa yeeshee kiisaska dadka inta ay cunen ku sumoobay ee dhintay cunadani ayaa aad u yar, balse waa in qofka uu mar walba ka taxadaraa.

3: Famaajada loo yaqaano Cashew

Waa mid ka mid ah farmaajooyiinka ugu halisan caalamka.

Waxyaabaha yaabka leh ee ku saabsan nooca farmaajadan ayaa ah in uu ku jiro gooryaanka.

Farmaajadan noocan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah in la helo.

Farmaajada ayaa waxaa mararka qaar ka dhasha matag iyo shuban.

4. Khudaarta nooca loo yaqaano Rhubarb

Rhubarb waa nooc ka mid ah dhirta caleenteeda loo cuno sida miro. Waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu caansan ee laga isticmaalo dalka UK.

Waxay Rhubarb dadku ay cunaan marka ay doonayaan cunno fudud.

Balse waa in aad ka digtoonaataa cunadan Rhubarb sababtoo ah caleenteeda cagaaran ayaa sababi karta dhibaato caafimaad.

Midda ugu muhiimsan, ayaa ah in caleemaha ay ku jirto maadada oxalic acid, taas oo sababta lallabbo haddii ay gasho caloosha.

Khudaarta nooca loo yaqaano Rhubarbi waxay inta badan jirka ka dhameysaa macdanta. Khubarada caafimaadku waxay sheegeen inay sidoo kale sababto dhagxaan kelyaha fariista.

waxaa weli socota dooda ku saabsan waxyeelada ay leedahay caleemaha rhubarb.

5. kalluunka nooca ‘Fugu’

Pufferfish ‘Fugu’ waa kalluunka ugu sunta badan adduunka.

Jirka kaluunkan waxa ku jira sunta la yiraahdo ‘tetradotoxin’. Waxaa la sheegay inay ka khatar badan tahay sunta kale ee kalluunka.

Inkasta kalluunkani khatartiisa badan tahay ayaa haddana waxaa jira dad aad u jecel sbabtoo ah dhadhankiisa ayaa aad u macaan.

Sida kali ah ee aad sunta kalluunkan uga badbaadi karto ayaa ah in aad si fiican u kariso , haddii aadan u bisleyn sidii loogu talagalay waxaad haddaba karinaysaa sun ku waxyeeleyn karta.

Dalka Japan, ayuu aad caan uga yahay kalluunkan ‘Fugu’.

Qofka karinaya kaluunka waa inuu sanado badan qaataa tababar ku aadan sida loo kariyo.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post