288 Views

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka Golaha Wasiiradda ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA)

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka Golaha Wasiiradda ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA)
____________________________________________________________________________

 

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjiraha JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir, ayaa ka qeyb galaya shirkii 22-aad ee Golaha Wasiirada ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA),kaas oo ka dhacay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka mashaariicda waaweyn, ka hortagga burcad-badeedda, dhaca hubeysan, kalluumeysiga oo aan sharciyeysneyn iyo maareynta musiibooyinka.

Dhanka kale waxaa shir laba geesood ah yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Wasiir Dowlaha arrimaha dibada iyo waxbarashada ee Hindiya Mudane Dr. Rajkumar Ranjan Singh.

Dhinacyadaasi, waxa ay  ka wadahadleen  dardar gelinta howlaha dib loogu furayo Safaaradda Hindiya ku yeelan doonto Muqdisho, kordhinta tirada deeqaha waxbarasho, fududeynta habraaca fiisaha caafimaadka iyo  dalxiiska .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post