879 Views

Danjire. Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha oo dalka dib ugu soo Celisay tahriibayaal Sawiro

Danjire. Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha oo dalka dib ugu soo Celisay tahriibayaal Sawiro
____________________________________________________________________________

Danjire  Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha  iyo Xubnaha la shaqeeya ayaa mar kale ku guulrrstay in ay magaalada Muqdisho dib ugu soo celiyaan Boqol dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xanibnaa dalka Libiya.

Danjire Maryan yaasiin xaaji yuusuf ayaa  ah shaqsi sanadihii la soo dhaafay ku howlnaeed soo  Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysay Xabsiyada Calamka, waxaana soo celintaan iska kaashaday Xubno ay Hogaaminayso Danjire. Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha oo u wakiilatay Dowlada Somaliya   iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Socdaalka IOM.

Muwaadintiintan dalka dib loogu soo celiyay oo tiradoodu ahayd 100, qof ayaa 60 ka mid ah waxaa la geeyay magaalada Hargeysa, halka inta kale ay ka soo degeen magaalada Muqdisho.

Danjire. Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha ayaa sheegtay inay qorsheynayaan sidii inta hartay ay dib u heli lahaayeen xoriyaddooda.

Danjire. Maryan Yaasiin Ergeyga gaarka ee Xakuumadda u qaabilsan xaquuqda Tahriibayaasha ayaa ah qof shaqsiyad wanaagsan oo 15 sano ee  la soo dhaafay si Free ah ugu shaqaynaysay Bulshada Soomaaliyeed.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post