1245 Views

ciidamada Daraawiishta Galmudug oo ka baxay Xamaara iyo bacaad Wayn iyo Al-Shabaab oo la Wareegay

ciidamada Daraawiishta Galmudug oo ka baxay Xamaara iyo bacaad Wayn iyo  Al-Shabaab oo la Wareegay
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 26, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kadib marrkii ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, ay ka Baxeen Xamaara iyo bacaad Wayn oo ay dib ula Wareegeen mar kale maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo VOA ay la hadashay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post