1176 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda somaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ireland

Wasiirka Arrimaha Dibadda somaliya oo  kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda  Ireland
____________________________________________________________________________

Jimco: july 23 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiirka Gaashaandhigga Ireland Mudane Simon Coveney.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Sidoo kale, Kulanka waxa looga hadlay doorashooyinka baarlamaaniga iyo midka madaxtinimo ee Soomaaliya, iskaashiga dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay ololaha Soomaaliya ee xubnaha Golaha amniga si guud ahaan dalka looga qaado cunaqabataynta hubka ee lagu soo rogay 23 Janaayo, 1992, taageerada amniga iyo howlgalka AMISOM.

Offrice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post