852 Views

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Luqmaan oo ka hadlay dagaalada Maleshiyaadka ku dhexmaraya Hiiraan

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Luqmaan oo ka hadlay dagaalada Maleshiyaadka ku dhexmaraya Hiiraan
____________________________________________________________________________

May 18 2021

Duleedka magaalada B/weyne oo saacadihii la soo dhaafay waxaa ka socday  dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleedyo halkaas ku dagaalamayay, waxaa arintaas ka hadlay Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji.

Gudoomiye Luqmaan ayaa ka codsday Beelaha halkaas ku dagaalamaa in ay deg deg u joojiyaan dagaalka, waxa uuna Maamulka B/weyne ku amray in ay arintaas dhex galaan.

Dr Cabdixakiim Luqmaan ayaa sheegay in xilliga la taagan yahay gobolka Hiiraan bulshada ku nool aysan xamali Karin colaad sababta in shacabka ay qaxaan dad dhallinyara ahna dhiigooda lagu daadiyo sidaasi darteedna Sharuud La’aan loo joojiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa Alle uga barayay naxariiste janno dadka ku dhintay kuwa ku dhaawacmay cafimaad taam ah u rajeeyayna waxaana uu codsaday in dagaalka uusan dan ugu jirin gobolka Hiiraan xilliga la joogo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post