2028 Views

Dibad-baxayaal weeraray gaari uu la socday Madaxweynaha Arjantiin

Dibad-baxayaal weeraray gaari uu la socday Madaxweynaha Arjantiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Tobanaan ruux oo caraysan ayaa weeraray kolonyo uu la socday madaxweynaha dalka Arjantiin Albeerto Fernandis oo booqanayay gobol dalkaas ku yaala.

Wararku waxay sheegayaan in dadka dibad baxaya ay wadada u galeen gaadiidka galbinayay madaxweynaha sidoo kalena ay dhagax tureen gaariga uu m/weyne Albeerto la socday.

Muuqaalo baraha bulshada laga daawaday ayaa laga arkay dad badan oo ku xoomay gaariga uu saarnaa m/weynaha Arjantiin qaarkood ay dhagaxyo la dhacayaan muraayadaha gaariga.

Lama sheegin wax waxyeelo ah oo soo gaaray m/weynaha Arjantiin Alberto Farnaandis oo marka laga weerarayay booqanayay goob dhul beereed ah oo dhawaan dab baabi’iyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post