1104 Views

Mareykanka Oo Qorsheynayo Cunaqabatayn Ka Dhan Ah Turkiga

Mareykanka Oo Qorsheynayo Cunaqabatayn Ka Dhan Ah Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda  isbuucan ku dhawaaqdo Cunaqabatayn ka dhan ah Dowladda Turkiga, kadib, markii ay iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ee lagu farsameeyey Raashiya.

Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen qorshaha Cunaqabatayntaasi, waxayna Kooxda Madaxweyne Donald Trump horey u garwaaqsadeen Xirmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga

Bilosgii Isbuucan, Hoggaanka Guddiyadda Aqalka Senedka dalkaasi ugu qaabilsan Arrimaha Ciiddanka iyo xiriirka Dibedda waxay soo wada saareen War-saxaafadeed ay  ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga, kadib, markii ay heleen Shixnadii ugu horreysay ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka difaaca ee  S400

 

Jimcihii la soo dhafaay, Wasaaradda Difaaca Turkiga waxay sheegtay inay qeybtii ugu horreysay Gantaalladdaasi soo caga-dhigteen magaalladda Ankara.

 

Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay bishii December ee sannadkii 2017-kii kala saxiixdeen Heshiis dayn ah oo Turkiga looga iibinayo Nidaamka Difaaca ee S400.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment