288 Views

Jaaliyadda Soomaalida UK oo ka Naxay dilka gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma Birmingham i oo ku dhintay weerrarkii hoteelka Villa Rays shalay

Jaaliyadda Soomaalida UK oo ka Naxay  dilka gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma Birmingham i oo ku dhintay weerrarkii hoteelka Villa Rays shalay
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 29, 2022

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham ee waddanka Britain ayaa sheegay inay ka argagaxeen warka dilka gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaaladaasi iyo culimo kale oo ku dhintay weerrarkii shalay ay Al-Shabaab ku ekeeyeen hoteelka Villa Rays ee ku yaal agagaarka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyoi hal askari.

Dadka meeshaas lagu dilay waxaa kamid ah Sheekh Cabdulqaadir Cabdullaahi Axmed (Sheekh Cabdulqaadir Garweyne), gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaalada Birmingham.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno waxa uu Sheekh Cabdulqaadir Garweyne u qabanjiray Soomaalida Birmingham waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay Sheekh Fu’aad Bashiir Dool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post