2103 Views

Naciima Abwaan Qorane oo xabsiga laga sii daayay

Naciima Abwaan Qorane oo xabsiga laga sii daayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2018 – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa  cafis u fidiyay Naciima Abwaan Qorane oo hore maxkamad ku taal magaalada Hargeysa ku xukuntay saddex sano oo xarig ah.

Afhayeenka madaxtooyada Maamulka Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in abwaanad Namiica Axmed Qorane oo hore maxkamadda gobolka Hargeysa ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah maanta laga sii daayay xabsiga Gebilley, kaddib markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Odayaal ka socda qoyska Naciima, oo aabbahheed uu ku jiro ayaa warqad codsi ah u soo qoray madaxweynaha si uu cafis ugu fidiyo kaddibna uu madaxweynuhu aqbalay.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa bishii hore ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanadda oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xirneyd magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay inay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment