945 Views

booliiska Kenya xalay ku dilay xaafadda Langata ee magaalada Nairobi laba Bur cad ah

booliiska Kenya xalay ku dilay  xaafadda Langata ee magaalada Nairobi laba Bur cad ah
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Labo burcad ah oo hubeysan ayay booliiska Kenya xalay ku dileen xaafadda Langata ee magaalada Nairobi.

Saddexdan nin ayaa xilligii la dilayay waxay dhac u geysanayeen haweeney iyagoo ka qaatay telefoonkeeda iyo alaabo kale.

Waxay ku hubeysnaayeen bastoolado, waxayna weerar ku qaadeen haweeneyda oo markaas ka soo degatay taksi, waxaa la sheegay inay qeylisay kaddibna ay dad booliiska ku wargeliyeen arrintaas.

Booliiska ayaa kaddib arkay raggan laga shakiyay oo isku dayaya inay baxsadaan.

Burcadda ayaa ugu dambeyn la hareereeyay, waxaana la sheegay in iyaga iyo booliiska ay rasaas is weydaarsadeen kaddibna la dilay burcadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post