1245 Views

SAWIRO:-Qatar Airways oo si rasmi ah duulimaad uga bilaawday Muqdisho

SAWIRO:-Qatar Airways oo si rasmi ah duulimaad uga bilaawday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 01, 2019—Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa Maanta sirasmi ah Magalada Muqdisho uga  bilaawday duulimaadyo toos ah,iyada oo mid ka mid ah diyaaradaha Shirkadaas ay kasoo degatay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho.

Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday  Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay , wasiirka Arrimaha Dibada Somalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa rakaabkii ugu horeeyay keentay Magalada Muqdisho,kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, iyada oo rakaab kale ka qaadeysa Magalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duulimaadyada Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ay marinkiisa noqon doonaan Muqdisho, Doha, Doha Mqudisho, iyada oo todobaadkii Muqdisho imaan doonto ilaa Saddex jeer.

Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa ah shirkadii afaraad ee duulimaad Heer Caalmai ah ka bilaawdo muqdisho,waxaana horay uga bilaabay Shirkadaha kala ah Ethiopian Airlines, Turkish Airlines iyo Air Djbouti.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment