870 Views

Sheekh Shariif & Safiirka Ingiriiska oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Sheekh Shariif & Safiirka Ingiriiska oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 06 2020–Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wada-hadallo dhinaca qadka teleefonka ah waxaa uu la yeeshay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen diyaar garowga doorashada qaranka, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland

Qoraal kasoo baxay Sheekh Shariif ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ka wada hadleen wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii uu xafiiska joogay maantana hakad kujirq.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay isla garteen abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah.

Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay galeysaa u diyaar garowga doorasho nooca ay u dhaceyso aan weli sirasmi ah la isugu raacin walow Madaxda Dowladda ay sheegeen inay noqon doonto doorasho qof iyo Cod ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment