885 Views

Madaxweynaha Puntland oo faah faahiyey Shirkii uu ku baaqay

Madaxweynaha Puntland oo faah faahiyey Shirkii uu ku baaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axed    , March 22, 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sharaxaad guud waxaa uu ka bixiyey cidda ay tahay inay ka qeyb galaan Shirkii uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad goboleedyada.

 

Waxaa uu sheegay in shirkaasi ay ka qeyb-geli doonaan Hay’adaha fulinta Dowladda Federaalka & Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,isla markaana xubnahaas ay leeyihiin Go’aanka ugu dambeeya ee ah cidda kale oo ay ugu yeerayaan Shirkaas.

 

 

 

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Shirka koowaad oo ay marti gelinayaan ay isugu keeni doonaan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Dowlad goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka jira.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweynaha Puntland inay qorsheynayaan kulankaasi ka hor inay tagaan,isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo Muqdisho iyo Xarumaha Dowlad Goboleedyada si ay ula kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad goboleedyada u jeedkuuduna uu yahay qabsoomida gogosha ay u dhigayaan.

 

Si kastaba Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan waxaa uu shir isugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul goboleedyada shirkaas oo uu sheegay in Puntland ay dhigeyso si si xal waara looga gaaro mad madowga jira.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment