846 Views

Dowlada oo sheegtay in baaritaan ku sameyn doonto weerarkan Hoobiyaasha ee lagu qaaday xarunta Xalane

Dowlada oo sheegtay  in baaritaan ku sameyn doonto weerarkan Hoobiyaasha ee lagu qaaday xarunta Xalane
____________________________________________________________________________

about:blank .

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan yahay mid lagu doonayay in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in baaritaan dhameestiran ku sameyn doonto weerarkan hoobiyaasha ah ee lagu qaaday xarunta Xalane oo ah goob ay degan yihiin diblumaasiyiinta reer Galbeedka iyo Hay’adadha Qaramada Midoobay.

about:blank Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post