942 Views

Afar dhalinyaro ah oo mataana ah oo markii ugu horreysay ka qalinjebiyay jaamacadda Oxford Brookes ee ku taalla UK

Afar dhalinyaro ah oo mataana ah oo  markii ugu horreysay ka qalinjebiyay jaamacadda Oxford Brookes ee ku taalla UK
____________________________________________________________________________

.

Axad: August 29, 2021

Afar dhalinyaro ah oo mataana ah ayaa markii ugu horreysay ka qalinjebiyay jaamacadda Oxford Brookes ee ku taalla UK.

Aayah, Cabdiraxmaan, Osama iyo Axmed Shacbaan waxay kasoo jeedaan Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

Dhalinyaradan 20 jirka ah waxay jaamacadda kusoo biireen 2018.

Waxay kala barteen culuumta kala Injineernimada, dhaqaalaha, sharciga iyo maamulka dhaqaalaha.

Axmed oo helay natiijada buunddada koowaad ayaa sheegay in nolosha jaamacadda ay si wanaagsan ula qabsadeen isaga iyo walaalahii la mataanka ah isla markaana ay casharro badan oo dhanka nolosha ah kasoo kororsadeen.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post