348 Views

Ciidamada ammaanka oo Howlgal Culus ka sameeyey Magaalda Muqdisho Xalay

Ciidamada ammaanka  oo Howlgal Culus ka  sameeyey Magaalda Muqdisho Xalay
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 28, 2022

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal culus ka sameeyey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu xaqiijinayey ammaanka, ayada oo lagu soo qab-qabtay rag u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu tuhmayo falalka amni darrada ah.

Dhalinyarada qaar ayaa la sii daayey, kadib baaritaano ay ku sameeyeen ciidamada ammaanka, halka kuwa kalena la geeyey saldhigyada Booliska ee labadaasi degmo.

Ciidamada ayaa sidoo kale baarayey gaadiidka iyo xaafadaha qaar ee degmooyinka howlgalka laga sameeyey, si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud.

Ujeedka ayaa ahaa mid ay ciidamada ammaanka ugu kuurgaliyeen ammaanka Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen saraakiishu inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadaan, inta la xaqiijinayo amniga caasimadda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha labada degmo ee howlgallada laga sameeyey oo qayb ka ahaa baaritaanada ayaa u mahadceliyey ciidamada ammaanka iyo deegaanka ee la shaqeeyey

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post