1434 Views

Wasiirkii Hore Ee Amniga”Waxaa La Joogaa Waqtigii Wadahadal Lala Geli Lahaa Al-Shabaab”

Wasiirkii Hore Ee Amniga”Waxaa La Joogaa Waqtigii Wadahadal Lala Geli Lahaa Al-Shabaab”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Dowladii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilligii uu wasiirfka ahaa uu wadahadal u socday Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in iyada oo uu wadahadalka socdo uu isbedel dalka ka dhacay,hayeeshee haatan la joogo xilligii wadahadalkaas lasii wadi lahaa si xal buuxa loo gaaro.

Waxa uu tusaalo u soo qaatay Wasiirka oo la hadlay Dalsan in Mareykanka oo dagaal kula jira Kooxda Taalibaan uu heshiis la gaaray,waxaana uu sheegay in Shabaab ay yihiin dad Soomaali ah,isla markaana marwalba ay ogol yihiin wadahadal.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment