441 Views

Ciidamada Booliiska oo dilay nin toogtay Askari ka tirsanaa Minishiibiyadda

Ciidamada Booliiska oo dilay nin toogtay Askari ka tirsanaa Minishiibiyadda
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in toogtay nin dil u geystay Askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyadda, xilli uu ku sugnaa deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay in howlgallo ballaaran ay ka sameeyeen goobta uu dilka ka dhacay, isla markaasna ay dileen mid kamid ah raggii ka dambeeyay weerarka lagu dilay Askariga.

“Caawo  oo Taariikhda tahay 06-04-2022  Abaaro  1830hrs  waxaa weerar lagu soo qaadey Askari minishiibiya ah oo Joogay Deegaanka Garasbaalay  gaar ahaa waaxda 3 aad  ee Geedi ferdhiye Waxaana goobtii lagu diley Askarigii  minishiibiyada, Ciidankii Booliiska oo Goobta ku sugnaa ayaa  isla goobtii ku toogtey  mid ka mid ah kooxdii argigixisada aheyd ee  soo weerartey” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post