321 Views

Faransiiska oo ogolaaday inuu kordhiyo taageerada militari ee uu siiyo Ukraine

Faransiiska oo ogolaaday inuu kordhiyo taageerada militari ee uu siiyo Ukraine
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 5, 2023 

Faransiiska ayaa ogolaaday inuu kordhiyo taageerada militari ee uu siiyo Ukraine isagoo ugu deeqaya gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Heshiiska ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii madaxweynayaasha Macron iyo Zelensky ay ku wada hadleen Khadka telefoonka.

Dhanka kale Madaxweyne Biden ayaa xaqiijiyay in Maraykanku uu ka fakarayo inuu u diro Ukraine baabuurta dagaalka ee ciidamada lugta loogu talagalay.

Ukraine ayaa waxa ay reer galbeedka ka codsanaysay in la siiyo hub cusub oo ku shaqeeya tignoolayjiyad casri ah kuwaas oo ay ku jiraan taangiyo iyo diyaarado dagaal iyada oo uu hadafkeedu yahay in ay dib u riixdo duulaanka Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post