1125 Views

Dagaal Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab ku dhexmaray wadada isku xirta Ceelbarde iyo Xudur

Dagaal Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab ku dhexmaray wadada isku xirta  Ceelbarde iyo Xudur
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Wararka ka imaanaya saakay wadada isku xirta degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ee gobolada Baay & Bakool ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal kulul oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo alshabaab

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dabeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.

Sidoo kale Dadka degaanka lagu kor dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen hubka culus iyo mid fudud oo ay iskau adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post