861 Views

Mareykan oo sheegay in tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kabul ay gaarayaan ilaa 4,500

Mareykan oo  sheegay in tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kabul ay gaarayaan ilaa 4,500
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 18, 2021

Wasaaradda gaashaandhiga Mareykan, ayaa sheegtay in tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kabul ay gaarayaan ilaa 4,500, iyadoo la filayo in 700 oo kale ay yimaadaan saacadaha soo socda.

Af -hayeenka wasaaradda John Kirby ayaa goor sii horreysay sheegay, in Mareykanka uu qorsheeyay in ku dhawaad 6,000 oo milateri ah ay joogaan garoonka diyaaradaha si ay gacan uga geystaan daad gureynta shaqaalaha Mareykanka iyo xulafadooda.

Ciidamada ayaa halkaas u jooga inay gacan ka geystaan sugidda amniga xudduuda wareegga, ayna la wareegaan maamulka hawada kadib markii Maraykanku uu dhammaan shaqaalihiisa safaaradda geeyay garoonka magaalada.

Ciidamada Maraykanka ayaa xalay hawada ku riday rasaas, si ay u xakameeyaan dad badan, ayuu yiri Kirby. Waxa uu sheegay in aysan jirin warar sheegaya qasaare ama dhaawac ka dhashay rasaastaas.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post