972 Views

Aqalka Sare oo Xaaraan ku tilmaamay go’aanka uu Golaha Shacabka muddo kordhin laba sano ah maanta ugu sameeyey hay’adaha dowladda

Aqalka Sare oo Xaaraan ku tilmaamay go’aanka uu Golaha Shacabka muddo kordhin laba sano ah maanta ugu sameeyey hay’adaha dowladda
____________________________________________________________________________

.

April 12-4-2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ka hor-yimid oo sharci-darro ku tilmaamay go’aanka uu Golaha Shacabka muddo kordhin laba sano ah maanta ugu sameeyey hay’adaha dowladda.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Go’aanka halka dhinac ah ee Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu Dalka u horseedayaa xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khataro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin. Sida oo kale, go’aankaasi wuxuu sii fogeeyay xal laga gaaro doorashooyinka Dalka isaga oo si toos ah u baalmaray sharciyaddii dowladnirnada ee ku dhisnayd Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka.”

Waxa uu intaas ku daray “Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday, Guddoonka Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday in cagligu shageeyo laguna soo noqdo xeendaabka sharciga ah ee Dalka u yaalla iyo Heshiiskii September 17, 2020 oo ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si degdeg ahna loo wada fariisto miiska wada-hadalka; si Dalku doorasho u aado.”

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post