1536 Views

Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay rag lala xiriirinayo Al-Shabaab

Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay rag lala xiriirinayo Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Talaado: December 14, 2021

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen degaano ku yaalla Caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada Qurac-bacaad iyo xooteeye oo duleedka ka ah Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay inay kasoo xireen dad looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka NISA ayaa laga soo xigtay in howlgalkaan uu yahay mid looga hortagayo dhaq dhaqaaqyada iyo howlgallada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Dhoer jeer ayaa Al-Shabaab waxaa ay weeraro hoobiyeyaal ah kasoo tuureen degaano hoostaga Magalada Dhuusamareeb, waxaana howlgalkaan uu kusoo aadayaa xili la filayo in Dhuusamareeb lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post