690 Views

Benjamin Netanyahu oo Xilka laga qaaday 12 sano kaddib markii uu hayay awoodda Israa’iil.

Benjamin Netanyahu oo Xilka laga qaaday 12 sano kaddib markii uu hayay awoodda Israa’iil.
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Benjamin Netanyahu ayaa xilkiisii waayay 12 sano kaddib markii uu hayay awoodda Israa’iil. Baarlamaanka Israa’iil ayaa cod ay ku taageerayaan siiyay dowlad isbahaysi oo cusub .

Naftali Bennett oo ah nin ka tirsan garabka midig islamarkaana ah nin ay waddaniyaddu madax-martay ayaa loo dhaariyay raii’sul wasaaraha cusub ee Israa’iil.

Mr Netanyahu ayaa dhankiisa qaadacay isbahaysiga cusub ee ay xisbiyada mucaaradku dhisteen.

Sida ku cad heshiiska awood qeybsiga, Naftali Bennet- oo ah nin diinta iyo waddaniyaddu ay ku wayn tahay ayaa muddo labo sano ah xilka rai’sul wasaaraha hayn doona waxaana kaddib kala wareegi doona hoggaamiyaha xisbiga dhexe Yair Lapid .

Markii ay baarlamaanka ay u codeeyeen isbahaysiga cusub ayaa waxaa markiiba xilka loo dhaariyay Naftali Bennet.

Kaddib dhaarintiisa ayaa waxaa uu kulan la qaatay golaha wasiirrada ee isbahaysiga cusub.

Naftali Bennett oo hadal u jeediyay golihiisa wasiirrada ayaa sheegay in shaqo culus ay hortaallo islmarkaana ay tahay in Israa’iil ay horey u socoto.

“Maalmo cusub ayaan bilaabaynaa, waana kuwo adag haddii aan niraahno kama aanan badbadin, dowlad midnimo ayaa inaga dambeysa, hadda dhammaan shacabka Israa’iil way na eegayaan waana in aan fulinaa wixii aan ballan qaadnay, annaga oo wada jirna ayaan tallaabo qaadaynaa, annaga oo kaashanayna islamarkaana qaadanayna mas’uuliyada in aan bogsiinno wixii na kala gaaray dalkana aan isu keenno oo aan dib u howlgalinno kaddib muddo dheer oo curyaamin iyo is qabqabsi uu jiray, hore ayaan u soconaynaa.”

Ron Katz waa xubin ka tirsan baarlamaanka cusub ee Israa’iil gaar ahaan xisbiga dhexe ee uu hoggaamiyo Yesh Atid, oo ah xisbiga ugu wayn isbahaysiga waxaa uu rumeysan yahay in tallaabadani ay bilow cusub u tahay Israa’iil.

“Waxaan u maleynayaa in ay tahay waqti isbeddel cusub uu ka curtay Israa’iil, waxaan dhisi doonnaa dowlad cusub oo u wanaagsan dadka Israa’iil, islamarkana u wanaagsan Yahuudda ku sugan guud ahaan caalamka.”

Benjamin Netanyahu ra’i’sul wasaarihii xilka soo hayay muddada 12-ka sano ahayd ayaa sheegay in maaddaama isaga iyo taageerayaashiisa ay ku sii jeedaan in ay mucaarad noqdaan aysan is dhiibi doonin ilaa ay ridaan dowlad uu ku tilmaamay in ay halis tahay.

Waxaa uu sidoo kale ammaanay taageerayaasha xisbigiisa islamarkaana waxaa uu qaadacay dowladda isbahaysiga cusub ee ay codka siiyeen baarlamaanka.

“Waxaan halkan taaganahay aniga oo ah wakiil ay shacabka doorteen, in ka badan hal milyan oo Israa’iliyiin ah oo u codeeyay xisbiga Likud oo aan aniga hoggaamiyo iyo waliba hal milyan oo kale oo u codeeyay xisbiyada midig iyaga oo og in ay qeyb ka noqon doonaan dowladda aan imika hoggaamiyo, aad ayaan dhammaantood ugu mahad celinayaa, waxaan sii wadi doonaa in aan fuliyo hadafka ugu wayn nolosheyda si loo xaqiijiyo jiritaanka Israa’iil ammaan iyo barwaaqo ah.”

Mr Bennett, raii’sul wasaaraha cusub ee Israa’iil ayaa xilka hayn doona ilaa iyo bisha September 2023, sida uu dhigayo heshiiska isbahaysiga.

Mr Netanyahu oo ah siyaasi ruug caddaa ah ayaa hoggaamin doona xisbigiisa garabka midig ee Likud waxaa uuna noqonaya hoggaamiyaha mucaaradka.

Benjamin Netanyahu ayaa xilka rai’sul wasaaraha soo hayay shan muddo-xileed, waxaana markii ugu horreysay uu xilka qabtay 1996 ilaa 1999, halka laga soo bilaabo 2009 ilaa 2021 uu xilka hayay.

Bishii April 2019 ayuu doorasho ku baaqay, balse waxaa uu ku guul dareystay in uu helo taageero ku filan oo uu ku soo dhiso dowlad cusub, waxaana taasi xiga labo doorasho oo ka dambeeysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post