1017 Views

SAWIRO:-Ciidamo loo direy deegaan xiisad dagaal ka taagneyd

SAWIRO:-Ciidamo loo direy deegaan xiisad dagaal ka taagneyd
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , Feberaayo 23, 2020 —Xiisadaan dagaal oo u dhxeysay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka taagneyd deegaannada Miracowled & Tuulo-Sarmaan oo Cadaado dhanka Waqooyi kaga toosan Qiyaastii 35KM.

 

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa deegaannadaas waxaa uu u direy Ciidamo boolis ah,kuwaas oo kala dhex-galay maleeshiyaadka isku heystay Barkado laga qodayo Deegaankaasi,taas oo aheyd mid soo laab laabatay.

 

 

 

Saraakiil uu Hoggaaminayo Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska Gobolka Galgaduud , Gaashaanle Cabdi Maxamud Maxamed (Kadawo) oo ay wehlinayaa Taliyaasha Saldhigyada Booliska Cadaado iyo Galinsoor ayaa waxaa ay gaareen degaannadaas,iyaga oo ku guuleystay inay xaliyaan xiisadaas.

 

Saraakiisha ayaa waxaa ay la kulmeen Odayaasha Dhaqanka labada dhinac si xal looga gaaro is qabqabsiga deegaanadaasi kusoo laab laabtay,waxaana deegaannada Maanta laga dareemay degaansho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment