3675 Views

Wafdi ka socda IGAD oo Beledweyn gaaray

Wafdi ka socda IGAD oo Beledweyn gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 12, 2016: Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay kulamo kula yeesheen Odayaasha dhaqanka Gobolkaas.

Booqashada Wafdiga IGAD ee Beledweyn oo ah markii labaad, ayaa la xiriira arrimaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo caqabado ay hareeyeen bilihi dambe.

Maxamed Cabdi Afey oo ah Danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa hogaaminayay wafdiga, waxaana wehliyay Gen Gabre oo ka tirsan IGAD, isla markaana saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya oo dadka qaar ku magaabaan Ugaas Gabre.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa sheegay in wafdiga IGAD ay wada tashi ugu yimaadeen Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, isku darka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Mudane Goodax ayaa sheegay in IGAD ay arrinta soo fara gelisay markii dowladda Soomaaliya ay u caal-weyday arrinta Maamulka labada gobol, hadana an la ogeeyn waxa ay bedeli karaan Afey iyo Ugaas Gabre.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka Odayaasha dhaqanka iyo Wafdiga IGAD ay isku mari waayeen qodobo dhowr ah, iyadoo ay soo jeediyeen xubnahan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo arrinta maamul u sameynta labada gobol, isla markaana la dhameeyo arrimaha tabashooyinka kale ee jira ee meesha ku jira.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee reer Hiiraan ayaa wali ku adkeysanaya go’aankooda ah, iyagoo dalbanaya in marka hore la dhameeyo waxyaabaha khilaafaadka ah ee dadka dega Hiiraan, in gogosha dib loogu soo celiyo Beledweyn iyo in dib u heshiisiin guud la qabto.

Waxaa kale ee Odayaasha ay dalbanaya in Gobolka Hiiraan la siiyo mudnaantiisa, isla markaana uu helo xuquuq la mid ah kuwa ay helaan Goboladii hore ee Soomaaliya.

DFS iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa horay isku fahmi waayay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee gogosheeda ay taalo magaalada Jowhar.

Shirka Jowhar oo la furay 12-kii bishii Janaayo ayaa illaa iyo hada hakad ku jira, kadib markii qaar ka mid ah odayaasha reer Hiiraan ay diideen inay shirka Jowhar ka qeyb galaan, taasna ay sabab u noqotay in shirka uu socon waayo ee uu soo gaaro waqtigaan.

Lama oga sida Urur Goboleedka IGAD ugu guuleysan karaan socod-siinta shirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ay gogoshiisa ka fidsan tahay Jowhar, iyadoo horay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu fashilmeen sii ambaqaadida shirkaas; balse hadda waxaa jooga Gabre iyo Afey.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment